Suuqa waxaa ka reebban in: lagu/loo adeegsado, lagu/laga kaydiyo, laga/lagu raadiyo, laga/lagu faafiyo, laga/lagu muujiyo, laga/lagu iibiyo, laga/lagu bandhigo waxwalba oo xaaraan ku ah Shareecada Islaamka. Sidoo kale Suuqa waxaa ka reebban dhammaan waxyaabaha hore ku xusan iyo waxwalba oo ka hor'imaanaya ama aan ku habboonayn dhaqanka Soomaaliyeed, iyo fitrada qofnimo. Sidaas oo kale, Suuqa waxaa ka reebban dhammaan waxyaabaha hore ku xusan iyo waxwalba oo dhibaya ama ay dhibsadaan adeegsadeyaasha, xubnaha, shaqaalaha, maamulka, ama/iyo mulkiilaha Suuqa.
Dhanka kale, Suuqa waxaa ka reebban dhammaan waxyaabaha: bedelaya, burburinaya, baabi'inaya, tirtiraya, ama/iyo jihaynaya aaladaha lagu/laga/loo adeegsado Suuqa iyo qalabka/agabka sahlaya gudbinta adeegyada ama/iyo adeegsiga Suuqa, sida computer, mobile, cellphone, tablet, laptop, sawir, cod, qoraal, video, IWM.